Guddiga Dorashooyinka Soomaaliya oo waxba ka jiraan ku tilmaamay eedo kaga yimid Mucaaradka oo la xariira arimaha diwaangalinta

Xili ay xubnaha mucaaradka ay warbaahinta ku baahiyeen hadalo u muuqday kuwa ay dhaleeceynayaan habka diwaan-galinta doorashooyinka ayaa waxaa arintaasi gaashaanka u daruuray guddiga doorashooyinka oo ku tilmaamay been abuur, aysana jirin cid si qasab ah lagu diwaangaliyey.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdikariin Axmed xasan warbaahinta ka hor sheegay in been abuur tahay in dadka isu diiwaangelinaya doorashada lagu qasbaayo, isagoo carrababay in cidii falkaasi si gaar ah u heysa ay la soo xariiran guddiga.

Madaxweynihii hore ee Dowladdii Kumeelgaarka ahayd Shariif Sheekh Axmed oo Dhaliilo u jeediyey guddiga doorashooyinka ayaa ku eedeeyey in dadka si qasab ah loogu diiwaan-gelinayo doorashada dadka goobaha dadweynaha.

“Dadka xoog ayaa lagu diiwaangelinayaa, jaamacadihii baa cabasho keenay. doorasho xoog lagu galayo ma aha doorasho sax ah,” ayuu yiri Shariif, balse hadalkan guddiga ayaa u muuqda mid lagu beeninayo.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed