Guddiga diwaangalinta ururada siyaasada Soomaliland oo maaanta soo saaray warqad uu ku wargalinayo in uu dhamaaday wakhtigii loogu tala galay in ay isku biiritaanka xisbiyada iyo ururada ayaa sheegay in si rasmi ah uu 14-ka Agoosto ay ku ekeyd.
“Waxaan halkan idinku wargelineynaa inay si rasmi ah u dhamaatay muddadii isku biirista ururada siyaasadda iyo axsaabta oo ku ekayd ugu dambayn maanta 0o ah Arbaca 14-KA August, 2024. Guddidu waxay si rasmi ah u soo saari doonataa, una gudbin doontaa Komishanka Doorashooyinka, liiska ururada iyo axsaabta ka qayb gelaya Doorashada Tooska ah ee Axsaabta”
Ururkii ugu dambeyey maanta ayuu ku biiray xisbiga talada haya Somaliland ee Kulmiye, waxaana lagu magacaabaa Urur siyaasadeedka Ogaal, kaasi oo ay hoggaamiso Rooda Cabdi Muuse.

