Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo war culus ka soo saaray edeymo loo jeediyey

Xili mareegta lagu xariiro ay ku fideyeen dayaacado ka dhan ah waxtarka agabka doorashooyinka uu diyaariyey guddiga doorashooyinka ayaa waxaa si adag arintaasi kaga jawaabay guddiga.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya Saadiq Abshir Garaad ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta gudiga wuxuu kaga jawaabay sida uu saameyn ugu yeeshay hadalkaasi soo baxay, isagoo carrabaabay in waxba ka jirin hadalada suuqa wareegaya.

Sidoo kale, Wuxuu ku tilmaamay dacaayad lagu faafiyey baraha bulshada oo laga sameeyay qalabka doorashooyinka ee gudiga, wuxuuna been abuur ku tilmaamay wararkaasi oo shaki galiyey dadweynaha.

Mar uu ka hadlayey saxnaanshaha qalabka doorashooyinka, gudoomiye ku xigeenka gudddiga waxa uu yiri “Waxaan ummadda soomaaliyeed la wadaageynaa in qalabka doorashadu uu yahay mid nadiif ah iyo mid aan wax gaar ah ku xidhneyn.”

Intaa kadib, Sadiiq Abshir Garaad waxa uu bulshada la wadaagay in gudigu u shaqeyn doono si hufan iyadoo la ilaalinayo shuruucda doorashooyinka qaranka iyo dastuurka, wuxuuna sharaxay in codadka iyo tirintaba ay ka shaqeyn doonaan dad loogu tala galay, isla markaana shaqada gudigu ay tahay kaliya kor joogteyn.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed