Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay qorshaha iyo hab-raaca doorashada golaha deegaanka ee magaalada Muqdisho, xilli uu si rasmi ah u soo idlaaday qabashada diiwaangelinta ururrada siyaasadda oo tiradii ugu badneyd ka hartay.
Cabdikariim Axmed Xasan, Guddoomiyaha guddiga oo ka hadlay shir lagu qabtay xarunta dhexe ee guddigga, ayaa sheegay in 18 urur siyaasadeed ay u soo gudbiyeen guddiga liisaska musharrixiinta u tartamaya golaha deegaanka ee gobolka Banaadir.
Tani waxay ka dhigantahay in laban laab ka badan yihiin ururada doorashada ka haray, ayna ka dambeysay kadib markii habka diiwaan qabashada oo hore u furnaa uu xalay si rasmi ah u soo xirmay, iyadoo ururada galkooda la haayey uu markii hore ahaa 61 urur.
“Ururada rasmiga ee soo gudbiyey musharaxiinta gobolka Banaadir waa 18 urur.” ayuu yiri guddoomiye Cabdikariim.
Guddoomiyaha ayaa caddeeyay in 18-ka urur ee soo gudbiyay musharrixiinta ay noqon doonaan ama ka qeyb geli doonaan doorashada golaha deegaanka, isagoo sheegay in tartanku uu u furanyahay ururradii buuxiyay shuruudaha waqtiga loogu talagalay ayna wadaan ololahooda.
Doorashada golaha deegaanka Muqdisho oo ku jadwalaysan 25-ka bishaan December ayaa lagu wadaa in lagu soo dhiso golaha deegaanka ee gobolka Banaadir, taasi oo noqoneysa kadib 56 sano oo doorasho qof iyo cod ah dalka ay ka dhacdo, marka laga reebo maamulada qaar.
Doorashadan oo hore loogu qorsheeyay dhammaadka bisha hore November ee sanadkan ayaa dib u dhacday, kadib markii dib loo furay diiwaangelinta ururrada.
Inkastoo guddigu shaaciyay diyaar-garowga maalinta codbixinta, haddana weli waxaa jira khilaaf siyaasadeed, maadaama maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, iyo sidoo kale Madasha Samatabixinta Mucaaradka, ay diidan yihiin hirgelinta nidaamka cusub ee qof iyo cod, taas oo dhalisay dood aad u xooggan oo wali taagan.
Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay inuu wado dadaallo lagu dhammeystirayo diyaar-garowga doorashada si looga gudbo caqabadaha jira, isla markaana loo xaqiijiyo in doorashada Muqdisho ay ku dhacdo jawi hufan oo nabdoon.
Hbn Online Tv

