Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta war kasoo saaray xarigga lagula kacay urur ka mid ah kuwa u diwaangashan, kaasi oo lagu tilmaamay mid baal-marsan sharciga, isla markaana laga talaabay xadka xuquuqda muwaadinka.
Cabdikariim Axmed Xasan Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee guddiga, ayaa sheegay in xarigga Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Madalsan, Mukhtaar Xuseen Wehliye, iyo shaqaale kale oo la socday uu yahay tallaabo “nasiib darro ah” oo ku timid xilli ururku si sharci ah u diiwaangashan uu ku jiray howlihiisa shaqo & xaquuqdiisa olole.
Xarigga guddoomiyaha oo la sheegay in uu dhacay 5-tii bishan November, ayaa laga diwaangaliyey xilli uu shir ururkiisa ku qabanayey gurigiisa oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
“Waxaa nasiib darro ah in ururadii inoo diiwaangashan mid ka mid ah, oo la yiraahdo Madalsan, si gaar ah guddoomiyihii la xiray iyo qeyb ka mid ah shaqaalihiisii, arrinkaas waa qad-cas oo la jaray,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariim.
Wuxuu intaas ku daray in Mukhtaar uu gurigiisa ku qabanayey shir uu ku abaabulayey howlaha ururka, gaar ahaan diyaarinta musharrixiinta golayaasha deegaanka — taas oo uu xaq u leeyahay sida uu sharcigu dhigayo, sida uu Guddoomiye Cabdikariim ku dooday.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda, isla markaana ay diyaar u yihiin inay difaacaan xuquuqda ururada siyaasadeed ee dalka si waafaqsan Dastuurka iyo qawaaniinta doorashooyinka.
“Waa eedeeyn aad u halis ah, wax la aqbali karo maahan. Arrinkaas waxaan kala xariiri doonaa laamaha amniga, maamulka Yaaqshiid & dhammaan gobolka Banaadir,” ayuu sii raaciyey Guddoomiye Cabdikariim.
Dhanka kale, Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in shaqaalaha guddiga loo soo dirayo fariimo lagu casumayo inay ka mid noqdaan urur siyaasadeed, taas oo uu ku tilmaamay mid aan xaq iyo waajib midna ku lahayn shaqaalaha rayidka, isagoo xusay in shaqaalaha rayidku uu ka reebayo ka mid ahaanshiyaha urur siyaasadeed sida uu Dastuurku dhigayo.
HBN ONLINE TV

