Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay jadwal cusub oo la xiriira doorashada qof iyo codka ah ee dalka, kadib markii wax ka bedel ku yimid hanaanka doorasho ee qorsheysnaa.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdikariim Axmed Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in doorashada goleyaasha deegaanka ee Muqdisho la qaban doono 30-ka November 2025, taas oo noqon doonta mid toos ah oo shacabka caasimaddu ay ku dooran doonaan hoggaankooda deegaanka.
Sidoo kale, Cabdikariim ayaa xusay in ololihii diiwaangelinta uu si guul leh u dhammaaday, isla markaana ku dhowaad 1 milyan qof ay iska diiwaangeliyeen Muqdisho. Wuxuu shacabka ugu baaqay inay isu diyaar-geliyaan codbixinta, halka uu ururrada siyaasadeedna ku adkeeyay inay soo buuxiyaan shuruudaha sharciyeed iyo summadaha rasmiga ah.
Doorashadan ayaa dib uga dhacday jadwalkii hore ee la qorsheeyay dhammaadka October, kaddib markii dib loo furay diiwaangelinta, iyadoo weli Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka Madasha Samatabixinta ay ka hor yimaadeen nidaamka qof iyo cod.
HBN ONLINE TV