Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in dhawaan ay maamul goboleedyada iyo magaalada Muqdisho ay ka qaban doonaan doorashada Golaha degaanka.
Guddoomiye Cabdikariin ayaa tilmaamay in labadii sano ee u dambeeyay ay dowlada deegaanno badan kala wareegtay Al-shaabab, ayna suurtagal tahay in ka qabsoonto doorasho qof cod ah.
Waxaa uu wareysi uu bixiyey guddoomiyaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha ayaa goobaha uu sheegay waxaa uusan ku soo darin deegaannada Puntland, inkasta oo uusan soo hadal qaadin wax maamulkaasi ku quseeya.
“Doorashada waxaan ka qaban doonnaa Caasimadda Muqdisho, waxaan ka qaban doonnaa maamullada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland, SSC-khaatumo, iyo Gobolka Banaadir.” ayuu yiri, Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka.
Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa carrabka ku dhuftay in ay axsaabta is dhiwaangeliyaan kuwii hori u jiray ay cusbooneystaan, si ay ugu qeyb ugu noqdaan doorashada golaha deegaanka ee dhici doonta bisha June.
Guddigaan madaxa bannaan ee doorashooyinka ayaa la filaaya in uu dalka ka qabto doorasho ku saleysan qof iyo cod, taasi oo 54-sano ka hor ugu dambeysay in dalka laga qabto. Doorashadaan ayaa gaari doonta sida uuqorshahu yahay maamul goboleedyada qeybta ka ah saxiixa heshiiska doorashada, wallow ay diidan yihiin Puntland iyo Jubbaland.
HBN ONLINE TV