Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta ka warbixiyey halka ay marayaan hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, iyagoo sheegay in gobolka Banaadir laga furay illaa 60 xarumood oo loogu talagalay diiwaangelinta dadka shacabka ah. Guddigu wuxuu sheegay in labada toddobaad ee soo socda la filayo in howlahaasi lagu ballaariyo maamullada kale ee dalka.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in wufuud ka socda guddiga ay haatan ku sugan yihiin magaalooyinka Jowhar, Baydhabo iyo Dhuusamareeb, halka maalinta berri ahna la qorsheynayo in la gaarsiiyo agabka doorashada.
Wuxuu sidoo kale sheegay in 10-ka bisha Juun ay bilaabi doonaan howsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee maamullada SSC-Khaatumo, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, wallow uusan soo hadal qaadin waxa iska bedelay mowfiqkoodii dhowr barood oo ay ku tala jireen Jubbaland.
“Dadka Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin in codkooda la maqlo, taasna waxay ku imaan kartaa oo keliya marka ay doortaan ciddii ay doonayaan in ay hoggaanka u dhiibtaan,” ayuu yiri guddoomiye Cabdikariim, isagoo carrabka ku adkeeyay in guusha dhabta ah ee hannaanka dimuqraadiyadda ay ku xirnaan doonto qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka.
Si kastaba ha ahaatee, guddiga doorashooyinka ayaa wajahaya dhaleeceyn xooggan oo uga imaanaysa xubno ka tirsan mucaaradka dowladda, kuwaas oo su’aal gelinaya sax ahaanshaha hannaanka lagu dhisay guddiga iyo kalsoonida guud ee lagu qabo shaqadooda. Mucaaradka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la helo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, laguna saleynayo heshiis siyaasadeed oo qaran.
HBN ONLINE TV