Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in bixinta kaararka codeynta ay bilaaban doonto toddobaadyada soo socda, taas oo u gogol xaaraysa Doorashada qof iyo cod ah ee la filayo in dalka ka dhacdo, si gaar ah midda gobolka Banaadir.
Afhayeenka guddiga, Cabdifitaax Faysal Xuseen, ayaa sheegay in diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee la xiriira diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo hubinta xogta ay meel wanaagsan marayso, islamarkaana ay socoto qorshe lagu xaqiijinayo in kaararka si nidaamsan loo bixiyo.
Guddigu wuxuu tilmaamay in kaararka loo qeybin doono dadka hore isu diiwaan galiyay, iyada oo loo marayo xarumaha rasmiga ah ee guddiga ee ku kala yaalla gobollada dalka. Ujeeddada arrintan ayaa ah in shacabka ay helaan fursad ay si xor iyo xalaal ah ugu codeeyaan doorashada qof iyo cod ah.
Sidoo kale, Guddiga Doorashooyinka ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay u diyaar garoobaan qaadashada kaararkooda, kana qeyb qaataan doorashada si nabad iyo kalsooni ku dhisan. Wuxuu xusay in guddigu ka go’an yahay in doorashadu noqoto mid hufan, daah-furan, iyo si siman loo wada gaaro.
Ugu dambeyntii, guddigu wuxuu sheegay inuu sii wadi doono kulamo iyo wacyigelin la xiriirta ururrada siyaasadeed iyo bulshada rayidka, si loo hubiyo in dhammaan qaybaha bulshada ay ka qeyb qaataan doorashada si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.
HBN ONLINE TV

