Guddiga doorashooyinka oo sheegay in loo gudbi qabashada doorasho ka dhacda Afar maamul goboleed

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in doorashooyin laga qaban doono maamullada Galmudug, HirShabeelle, Waqooyi Bari iyo gobolka Gedo ee Jubbaland, arrintaas oo guddigu ku tilmaamay tallaabo weyn oo Soomaaliya u qaaday dhanka hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

War kooban oo kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in qorshahan uu muhiim u yahay xoojinta dimuqraadiyadda, matalaadda shacabka iyo dhismaha dowladnimo, inkastoo ay jiraan cadaadisyo siyaasadeed oo gudaha ah oo ku gadaaman hannaanka doorashada.

Gobolka Gedo oo kamid ah meelaha guddigu sheegay in doorashooyin laga qaban doono ayaa wajahaya muran siyaasadeed, kaddib markii maamulka ka arrimiya gobolkaasi uu si cad u shaaciyay in uu garab taagan yahay Jubbaland, isla markaana aysan suuragal noqon karin doorasho aan maamulkaasi qeyb ka ahayn.

Sidoo kale, wuxuu shuruud ka dhigay qabashada doorasho ka dhacda Gedo in marka hore sanduuqa doorashada la geeyo magaalada Kismaayo. Arrintan ayaa loo arkaa caqabad siyaasadeed oo hor leh oo Dowladda Federaalka Soomaaliya kala kulmeyso qaar kamid ah maamullada dalka.

Dhanka kale, Puntland ayaa horey u sheegtay in aysan qeyb ka noqon doonin doorashada qof iyo codka ah, iyadoo diidday in diiwaangelin laga sameeyo deegaanada ay maamusho.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa iyaguna horey u muujiyay walaac ay ka qabaan hannaanka doorashada ee ay dowladdu waddo, iyagoo ku baaqay in laga wada heshiiyo nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa. Khilaafka siyaasadeed ee arrimahan la xiriira ayaa weli saameyn ku leh geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed