Guddiga Doorashooyinka oo sheegay in dalka uu galay Wajigii doorassho Dimuqraadi ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka socota degmada Shangaani ay si wanaagsan u socoto, isla markaana tiradii la filayay ay ka badan tahay dadkii isdiiwaangeliyay.

Wuxuu tilmaamay in ujeedkooda uu ahaa kaliya in diiwaangelintu ka dhacdo Shangaani, isagoo sheegay in Soomaaliya ay u dhaqaaqday waddadii dimuqraadiyadda, dadka ay hadda fursad u helayaan in ay si toos ah u doortaan wakiiladooda.

“Shalay waxay ahayd maalin albaabka u furtay Soomaaliya in ay aadday waddadii dimuqaraadiyadda, dadkana ay soo dooran lahaayen dadkooda,” ayuu yiri Cabdikariim.

Guddiga ayaa hogaaminaya dadaalka loogu jiro doorasho qof iyo cod, inkastoo uu weli jiro khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan habka loo marayo.

HBN ONLINE TV 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed