Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyey jadwalka doorashada madaxweyne ee maamullada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo ay ku jirto tan golaayaasha wakiillada iyo deegaanka.
Sida ku cad warqad ka soo baxday guddiga, doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ah tan soo horeysa ayaa loo qorsheeyey 23-ka bishaan May 2026, iyada midda goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada ay dhici doonto 13 maalin ka hor, kuna aadan tahay 10-ka May.
Sidoo kale, doorashooyinka madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa si wadajir ah loo qaban doonaa 9-ka bisha 7-aad 2026 bil kadib tan goleyaasha deegaanka iyo baarlamaannada labada maamul oo dhici doonta 20-ka 6-aad 2026.
Guddigu wuxuu sheegay indoorashooyinka goleyaasha deegaanka ee maamullada Waqooyi Bari iyo Jubbaland oo ah Gedo dhici doonaan 30-ka 7-aad 2026.
Dhanka kale, Doorashada Golaha Caasimadda Gobolka Banaadir ayaa la qaban doona 30-ka bisha 7-aad 2026, halka tan Duqa Muqdisho iyo ku-xigeennadiisa loo asteeyey 5-ta bisha 8-aad 2026.
Guddiga ayaa sheegay in jadwalkan uu qayb ka yahay qorshaha doorashooyinka Dowlad-goboleedyada dalka, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay u hoggaansamaan habraacyada iyo jadwalka la shaaciyey si loo xaqiijiyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo.
HBN ONLINE TV

