Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay goobaha laga qaban doono doorashada qof iyo cod

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta ku dhawaaqay meelaha laga qaban doono doorashada qof iyo cod ee dalka, xilli lagu wado inuu si rasmi ah uga bilowdo Muqdisho ololaha diiwaan-gelinta codbixiyayaasha bartamaha bishaan Abriil.

Guddoomiyaha guddiga Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in doorashada laga qaban doono dhammaan maamul goboleedyada dalka marka laga reebo Puntland iyo Jubbaland, iyadoo Gedo laga hirgelin doono.

Guddoomiyaha ayaa xusay in dalka uu markii ugu horreysay muddo ku dhow 60 sano kadib uu u jihaysanayo doorasho qof iyo cod ah, taasoo bilaabaneysa diwaangalinta dadweynaha 15-ka Abriil.

Waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay bilaabi doonaan isdiiwaan-gelinta Talaada beri dambe ah si ay uga qaybqaataan doorashada, taas oo lagu wado in lagu qabto qalab casri ah oo maanta si rasmi ah loo soo bandhigay.

Qalabka doorashada ayaa loo soo bandhigay bulshada Soomaaliyeed, ururada siyaasadeed iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo eego loona tijaabiyo ka hor inta aan doorashadu dhicin. Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in la helo kalsoonida bulshada iyo beesha caalamka.

Goobaha wajiga koowaad ee diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ayaa noqon doona degmooyinka Shangaani, Shibis, Xamarweyne, Xamar-jajab, Waaberi, Cabdicasiis iyo Boondheere, halka wajiga xiga laga bilaabi doono Waardhiigley, Hodan, Howlwadaag, Kaaraan, Yaaqshiid, Hiliwaa, Dayniile, Dharkeenlay iyo Wadajir.

Doorashada maamulka gobolka Banaadir ayaa la qorsheeyay in la qabto 30-ka Juun, kadib marka la soo gabagabeeyo diiwaan-gelinta codbixiyayaasha.

Guddiga doorashooyinka oo la dhisay muddo afar bilood ah ayaa sheegay inay ka go’an tahay in la qabto doorasho qof iyo cod ah, inkastoo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin diidmada mucaaradka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed