Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa saaka ka jawaabay go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka ay ku baabi’isay natiijooyinkii doorashooyinkii isku-sidkanaa ee Golayaasha deegaanka & Wakiillada ee Galmudug.
War saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay inuu soo dhawaynayo go’aannada Maxkamadda Sare ee ku taariikhaysan 24-kii Agoosto 2026, isla markaana ku saabsanaa doorashadii Galmudug ee dhacday 30-kii Luulyo 2026.
Guddiga ayaa tilmaamay inuu aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare, isaga oo dib ugu laabanaya doorasho kale oo uu ka qabto deegaanada Galmudug.
“Guddigu isaga oo tixgelinaya kaalinta dasturiga ah ee Maxkamadda Sare, sarreynta sharciga iyo in khilaafaadka doorashooyinka lagu xalliyo hannaan garsoor oo sharci ah si waafaqsan Qodobka 73aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo tilmaamaya Awoodda Maxkamadda Sare ee ka garnaqidda iyo go’aanka ka gaarista dacwadaha la xariira Doorashooyinka waxa uu aqbalay goaanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka soo baxay ee ku saabsanaa doorashadii isku-sidkanayd ee ka dhacday Dowlad-Goboleedka Galmudug” ayaa lagu yiri warka Guddiga doorashooyinka.
Ugu dambeyn, Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay inuu dib ugu soo muddeyn doono xilliga la qabanayo doorashada ku-celiska ah ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo baabi’isay natiijadii doorashadii lMaamulka Galmudug ayaa amartay guddiga in dib loogu laabto doorashada, kadib markii ay sheegtay in doorashadii 30-kii Luulyo 2026 aan loo maamulin, loona qaban si waafaqsan Dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka.
Go’aanka Maxkamadda Sare ayaa kusoo beegmaya xilli qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee Galmudug ay horay u diideen natiijadii ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka, isla markaane ayiday go’aanka natiijada lagu baabi’iyey, iyagoo ku eedeeyay in hannaanka doorashada aan loo maamulin si caddaalad iyo hufnaan leh.
HBN ONLINE TV

