Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo maanta ka bilaabay wajiga cusub ee diiwaangelinta dadweynaha magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ayaa sheegay in guul weyn ay tahay, taasoo ah markii ugu horreysay laga hirgeliyo meel ka baxsan caasimadda Muqdisho.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariim Axmed Xasan, oo warbaahinta la hadlay, ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid horseedi karta doorashooyin hufan oo la isku halleyn karo. Wuxuu xusay in diiwaangelintii ay hore uga bilaabeen degmada Shangaani ee gobolka Banaadir in hadda loo daadajiyey maamullada kale ee dalka, isagoo carrababay in si degdeg ah deegaannada maamulka SSC-Khaatumo looga bilaabi doono.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa si toos ah uga falceliyay dhaleeceyn culus oo lagu eedeeyay guddiga, kuwaas oo ku saabsan in meelo qaar dad si qasab ah looga diiwaangaliyay, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid sharci-darro ah.
“Waa sharci darro in qof muwaadin Soomaaliyeed ah la qasbo – Guddiga Doorashadu Qad-gaduudan ayuu u yahay, qof la qasbi karo malahan,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariim, isagoo ku booriyey shacabka Soomaaliyeed inay si iskaa ah isu diiwaangaliyaan, si ay u helaan xaqa codbixinta iyo matalaadda siyaasadeed.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay dhacdo dhowaan dhacday oo la sheegay in qof rayid ah loogu dilay isdiwaangelin darteed, wuxuuna sheegay in baaritaan horudhac ah oo ay sameeyeen ay muujinayso in dilkaasi uu ahaa “arrin la xiriirta amniga guud”, ee aanay salka ku haynin diiwaangelin qasab ah. “Guddigu dad ma qasbo, mana xoogno” ayuu hadalkiisa ku adkeeyay Cabdikariim.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda ay leedahay ka qeybgalka shacabka ee diiwaangelinta si loo xaqiijiyo doorashooyin xor ah, cadaalad ah, isla markaana ka tarjumaya rabitaanka dhabta ah ee shacabka Soomaaliyeed.
Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay taagan tahay su’aalo badan oo ku saabsan hufnaanta geedi-socodka doorashooyinka dalka, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay guddigu u maareyn doonaan cabashooyinka isa soo taraya.
HBN ONLINE TV