Guddiga Doorashada oo soo saaray go’aamo cusub oo ku aadan doorashada berri ee Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray wareegto cusub oo si toos ah u saameynaysa habka codbixinta doorashooyinka lagu wado in maalinta berri ah loogu dareero deegaanada mamaulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Go’aankan ayaa yimid kadib wadatashiyo lala yeeshay ururrada siyaasadda iyo dib-u-habeyn lagu sameeyay diiwaangelinta codbixiyeyaasha qaar kamid ah degmooyinka gobolka.

Guddiga ayaa shaaciyay in codbixiyeyaasha si rasmi ah u diiwaangashan ay codkooda ku dhiiban karaan oo keliya marka ay wataan kaarka codbixiyaha rasmiga ah ama warqadda diiwaangelinta codbixiyaha. Waxa kale oo la faray shaqaalaha goobaha codbixinta inay si adag u xaqiijiyaan aqoonsiga codbixiyaha iyo inuu magaciisu ku jiro liiska kama dambaysta ah.

Sidoo kale, guddiga ayaa amray in la adeegsado habab looga hortagayo codbixin laba jeer ah, oo ay ku jirto isticmaalka khad aan tirmeyn, diiwaangelinta dhacdo kasta oo musuq ama shaki la xiriira iyo in si degdeg ah warbixin loogu gudbiyo guddiga iyo hay’adaha ammaanka.

Dhanka kale, guddiga ayaa si adag uga digay fal kasta oo lagu carqaladeynayo hannaanka doorashada, sida codbixin laba jeer ah, isticmaalka dukumiinti been abuur ah ama ku codeynta magaca qof kale. Guddigu wuxuu sheegay in cid kasta oo ku lug yeelata falalkaas laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah, wuxuuna ugu baaqay ururrada siyaasadda inay taageerayaashooda ku wacyigeliyaan ilaalinta sharciga iyo ka qeybgalka doorasho nabdoon oo hufan.

Goobaha lagu wado in doorashada laga qabto waxaa ugu horeeya Baydhabo, Marka, Qansaxdheere, Ceelbarde, Baraawe, Awdheegle Afgooye, Wanlaweyn, Xudur, Waajid, Diinsoor, Buur-hakaba iyo Bardaale.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed