Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay wakhtiga ay ku eg tahay qabashada araajida musharaxiinta doonaya inay u tartamaan doorashada lagu wado in lagu qabto Laasacaanood.
War-saxaafadeed ay soo saareen guddiga ayaa lagu sheegay in musharax kasta oo aan codsigiisa ku soo gudbin waqtiga kama dambaysta ah uusan ka qaybgalin karin doorashada.
Guddoomiyaha guddiga doorashada, Xildhibaan Axmed Kayse Cali Shire ayaa balanqaaday in doorashadu noqon doonto mid hufan, xor iyo xalaal ah, isagoo shacabka ugu baaqay inay ku kalsoonaadaan geeddi-socodka, isaga oo carrabaabay in berri 8:00 fiidnimo ay codsiyada ku egyihiin.
Waxa uu sidoo kale xildhibaanada baarlamaanka ku booriyay inay waqti hore xaadiraan maalinta doorashada si ay uga qaybqaataan si habsami leh.
Ilaa iyo hadda, waxaa aad loo hadal hayaa afar musharax oo u taagan xilka madaxweynaha:
Hoggaamiyaha xilka haya, Cabdiqaadir Axmed Firdhiye, Jamaal Maxamed Xasan, Cabdirisaaq Axmed Khaliif & Maxamuud Yuusuf Guray.
Madaxweyne Firdhiye ayaa wajahaya isbahaysi siyaasadeed oo xooggan oo doonaya in xilka laga tuuro, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu ku tiirsan yahay taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo la filayo inay gacan weyn ka geysan karto ololihiisa.
HBN ONLINE TV