Guddiga Madaxa bannaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee qabashada doorashooyinka uu dhexdhexaad u yahay guud ahaan dadka daneynaynaya sida uu hadalka u dhigay in ay u tartamaan xilalka Guddoonka Golaha Wakiillada iyo Madaxweynaha.
“wuxuu si xushmad leh halkan ugu wargalinayaa dhammaan dadka ay khuseyso arrintani inay u soo gudbiyaan Xafiiska Guddiga araajidooda xilliga loo qabtay ee hoos ku qoran” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay guddiga.
Guddiga ayaa faray in dhammaan inta ay warqadani khuseyso ay ka qayb qaataan ilaalinta amniga iyo xasilloonida deegaannada Jubbaland, halka warqadu shuruudo ku xireyso dadka murashaxiinta ah.
“Qofku wuxuu musharax sharci ah noqon karaa oo kaliya marka uu buuxiyo shuruudaha loo dajiyey, qaatana shahaadada musharraxnimo ee uu bixiyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland (IBEC).
Midowga Musharaxinta Mucaaradka Jubaland oo shalay shir gaar ah yeeshay ayaa soo dhaweeyey dhismaha guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland oo ay sameysteen iyagu, kaasi oo ay sida hadalka loo dhigay lagu badbaadinayo Jubbaland, waxaana ay tilmaameen gacantiisa ay ku jirto doorashadii lawada gali lahaa musharax gaar ah.
HBN ONLINE TV