Guddiga anshaxa doorashooyinka Somaliland oo digniin ka soo saaray natiijada codbixnta

Gudida anshax ee dorashooyinka Somaliland ayaa ka digay Wararka been abuurka ah ee laga faafaanayo arimaha codadka oo ay sheegeen in aan la aqbali karin in cid si gaar ah dadka ula wadaagto bulshdada hadalado aan xaqiiqo laheyn oo lagu khalkhal galinayo.

Xubnaha Gudida anshax ee Doorashooyinka Somaliland ayaa ugu digay warbaahinta madaxa banaan iyo tan shaqsiyaadka gaar ah, baahinta natiijooyinka aan ka soo bixinta guddiga doorashadaka ee ka imaanaya goobaha codbixinta.

Waxaaa fariin bogaadin ah ay u direen xubanaha guddiga anshaxa shacabkii sida nabadda ah uga codeeyey goobaha codbixinta, iyaga oo tilmaamay in si xor oo xalaal ah ugu soo dhamaatay ayna si nabad galyo ah ku soo xaroodeen sanaadiiqdii codbixinta.

Sida oo kale waxaa ay ku celiyeen digniinta ah in sinaba aan la aqbali karin baahinta natiijooyinka doorashada, taasi oo looga dheeraanayo “isku dhac bulshada ah”, halka xubnaha la dhaariyey ay uga dhigeen in bulshada ay la wadaagaan xogta ay gacanta ay ku hayaan.

“Warka rasmiga ah cidda laga qaadanayo waa Guddiga doorashooyinka. waxaan u digeynaa dadkii la dhaariyey ee goobaha joogay Xisbi haka socdaan ama Komishinka doorashooyinka haka socdaan, goobahoodii ay joogeen guddahoodii wixii lagu dhaariyey in warbixin warbaahinta ah ka dhigaan oo baraha bulshada ku baahiyaan war aan sugneyn” ayuu yiri guddiga.

Waxaa uu tilmaameen xubanaha guddiga in aanay ka aqbaleyn xubnaha la dhaariyey sida hadalka u dhigeen in dadka khalkhal galiyaan.

“waxaanu leenahay idinkana masuuliyaaddaa la idin saaray, goobaha xaadir ka aheydeen war aan sugneyn aan komishinka doorashooyinka ka soo bixin inaa adinku faafisaan oo dadka khalkhal ku galisaan adinkana waydinka digaynaa” ayuu yiri guddiga anshaxa.

Guddiga doorashooyinka oo qabsaday muddo todobad ah in natiijada ay ku shaaci doonaan ayaa sheegay in hadda ay ku guda jiraan tirinta codadka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed