Goorma ayuu imaanayaa Soomaaliya Markabka shidaal qodista ee Turkiga ?

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in markabka qodista shidaalka Turkiga ee Çağrı Bey, si uu u bilaabo howlgalka qodista shidaalka badda uu soo gaarayo biyaha dalka todobaadkan, sida ay xaqiijisay warbaahinta dowladda.

Markabkan oo ah mid casri ah oo loogu talagalay qodista biyaha aadka u qoto dheer ayaa la filayaa inuu bilaabo howlgalkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee Soomaaliya ka hirgala, iyadoo diiradda la saarayo ceelka Curad koow. Safarka markabkan ayaa qaatay muddo 45 maalmood ah, isagoo ka soo ambabaxay magaalada Mersin ee dalka Turkiga.

Mashruucan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka, isla markaana xoojinaya iskaashiga u dhexeeya Ankara iyo Mogadishu. Dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa horey u muujiyay danahooda ku aaddan kobcinta iskaashiga dhinacyada tamarta, ganacsiga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay ku jiraan kuwa ciidamada.

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in haddii shidaal laga helo badda Soomaaliya, ay tani noqon karto isbeddel weyn oo dhinaca dhaqaalaha ah, isla markaana kor u qaadi karta doorka Soomaaliya ee suuqyada tamarta ee gobolka iyo caalamkaba.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed