Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in dhammaadka sanadkan 2025 dib loo howlgelin doono diyaaraddii qaranka ee Somali Airlines, taas oo astaanta duulimaadyada Soomaaliyeed ahayd muddo dheer ka hor burburkii dowladdii dhexe.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax Nuux, ayaa sheegay in diyaaraddii iyo qalabkeeduba ay diyaar yihiin, islamarkaana qorshuhu yahay in dib loo hawlgeliyo ka hor dhamaadka sanadkan.
Wasiirka ayaa tilmaamay in arrintan ay tahay guul weyn oo shacabka Soomaaliyeed u soo hoyatay, maadaama ay Somali Airlines dib ugu soo laabanayso hawada dalka 33 sano kadib, taas oo astaan u ah dib u soo kabashada hay’adaha iyo sumcadda qaranka.
Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in dowladda ay dardar-gelisay casriyeynta iyo dayactirka garoomada diyaaradaha ee dalka, isagoo sheegay in 15 ka mid ah garoomadaas ay marayaan heer gabagabo ah, si loo xaqiijiyo amniga iyo kalsoonida duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Dib u soo celinta Somali Airlines ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa horumar iyo isbeddel dhab ah oo ka socda Soomaaliya, isla markaana calaamad u ah soo noqoshada xiriirka iyo isku xirnaanta Soomaaliya ee caalamka.
HBN ONLINE TV

