Waxaa xusid mudan in doorashada jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ee sanadkan aysan ka dhaceyn goobo ay ka dhacday doorashadii tan ka horeysay.
Waxaa ka mid ah goobaha aysan sanadkan ka dhaceyn magaalada Laascaanood iyo magalooyin kale oo ay doorashada ay horey uga dhaci jirtay.
Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii uu dagaal ka dhacay magaalada Laascaanood islamarkana lagala wareegay Somaliland.
Ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad deegaanka ah ayaa wuxuu dagaal ku dhex maray Laascaanood billowgii bishii February ee sanadkii hore.
Laascaanood waxaa imika ka jira maamul cusub oo la magac-baxay Khaatumo.
HBN ONLINE TV