Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in dib loo furay diiwaan-gelinta dadweynaha gobolka Banaadir, kadib markii todobaadkaan horaantiisii lagu dhawaaqay isbedel cusub uu ku yimid qorshihii guddiga.
Diiwaan-gelintan oo socon doonta intii u dhaxeysa 09-ka September illaa 30-ka bishaan ayaa loogu talagalay in taageerayaasha ururrada cusub ee siyaasadeed ay helaan fursad ay isku diiwaan-geliyaan.
Guddoomiyaha guddiga Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda uga qeyb qaataan hannaanka dimuqraadiyadda iyo tartanka siyaasadeed ee soo socda.
“Waxaan dib u furnay diiwaan-gelinta dadweynaha gobolka Banaadir, laga bilaabo 09-09-2025 illaa 30-ka September, 2025, si taageerayaasha ururrada cusub ay fursad ugu helaan inay is diiwaan-geliyaan” ayuu yiri guddoomiye Cabdikariin.
Horay guddiga ayaa u sheegay in Muqdisho laga diwaan-galiyey dadweyne ku dhow hal Milyan oo ruux, kuwaa oo sida qorshuhu yahay ka qeyb qaadan doona doorashada maamulka gobolka Banadir oo dhacaysa 30-ka bisha Octobar ee soo socota.
HBN ONLINE TV