Guddiga Komishinka Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in ay soo xirmayaan goobaha codbixinta doorashada, marka laga reebo goobo safafka looga jiro.
Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Soomaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf oo goordhaweyd la hadlay warbaahinta shir ayaa sheegay in goobaha codbixintu ay badi soo xirmayaan 6-da maqribnimo.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in go’aanka codbixiyaasha ay soo wada saari doonaan Komiishanka Doorashooyika iyo Gudiga guuud ee amniga doorashoyinka, iyada oo toos ah tabinteeda uga socoto xarunta dhexe ee guddiga.
Muuse Xaaji oo warbaahinta kula hadlay tabinta gaar ah ee guddiga ayaa tilmaamay in codbixinta goobaheeda ay soo xirmi doonaan, sida oo kalane dadka meelaha aanay ka codeyneyn la soo xiray, halka magaalooyinka qaar weli dadku safaf dhaadheer ku jiraan.
Sida oo kale waxaa uu carrabaabay in aanay wax dhib ah la kulmay inta ay shaqada ku jireen.
HBN ONLINE TV