Golaha Wasiirrada Sacuudiga oo soo saaray go’aankiisa ku aadan Soomaaliya

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay mowqifka adag ee Sacuudiga ee ka dhanka ah isku day kasta oo lagu dhisayo hay’ado ama maamullo isbarbar socda oo ka hor imaanaya midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wadajirka dhulkeeda.

Goluhu wuxuu carrabka ku adkeeyay diidmada Boqortooyada Sacuudiga ee kala-qaybin kasta ama fal kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida, qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo xaqiijiyay in Sacuudigu si buuxda u garab taagan yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo dhoweysay go’aannada ka soo baxay Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, kuwaas oo si buuxda u taageeraya midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed