Golaha Wasiirrada Puntland oo ka shiray Xaaladaha Xasaasiga ah ee jira iyo Howlgalka Calmiskaad

Shirka Golaha Wasiirrada Puntland oo maanta ka dhacay magaalada Garoowe ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladaha xasaasiga ah ee dalka, iyadoo xoogga la saaray dardar-gelinta howlgalka Calmiskaad ee lagula dagaallamayo kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad.

Puntland ayaa sheegtay in howlgalkaasi uu marayo marxalad gebogebo ah, islamarkaana la beegsaday saldhigyada muhiimka ah ee kooxdu laheyd.

War saxaafadeed kooban oo laga soo saaray shirka golaha wasiiradda oo ahaa mid si gaar ah xaaladaha taagan looga hadlay badi ayaa madaxtooyada Puntland ku sheegtay in diiradda lagu saaray Adkeynta Amniga, Midnimada iyo wadajirka dadka reer Puntland, Xaaladda Siyaasadeed ee dalka, waxaa si gaar ah diirada loo saaray.

Ciidamada Puntland oo taageero cirka ah helaya dowlado dhowr ayaa todobaadkan dagaallo culus ku qaaday fariisimo kooxda Daacish ah, gaar ahaan aagga togga Baallade oo ah goob horay loo tilmaamay inay ku dhuumaaleysanayeen horjoogayaal muhiim ah.

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed