Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya XFS ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaasi oo diiradda lagu saaray amniga guud ee dalka iyo howlgalada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha Alshabaab.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka oo guulo la taaban karo ka gaaray howlgalada socda ayaa lagu boggaadiyey shirka.
Golaha ayaa warbixinno ka dhageystay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo la xariira halka ay marayaan howlgalladii ugu dambeeyey ee la xariira gulufka dagaal ee ka socda gobollada dalka, si gaar ah Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, halkaasi oo Ciidamda dowladda iyo kuwa deegaanka ay kaabiga ku hayaan degmada Aaden Yabaal.
Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixino la xiriiray badqabka diyaaradaha ka shaqeeya gudaha dalka iyo caqabadaha jira si xal waara loogu helo, iyadoo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo hirgelinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda.
Sidoo kale, Golaha Wasiirradu waxay darajada Safiir u dallacsiyeen Mudane Axmed Jaamac Cumar, iyagoo tixgelinaya aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa dheer.
HBN ONLINE TV