Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Jubbaland, kaasi oo diiradda lagu saaray arrimo ay ugu horreeyaan xiisadda siyaasadeed iyo mid amni ee ka taagan gobolka Gedo.
Golaha ayaa si gaar ah uga dooday kacsanaanta sii kordheysa ee gobolka Gedo, iyagoo eedeyn culus u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa la sheegay in ay hurinayaan sida hadalka loo dhigay colaado qorsheysan oo ka dhaca deegaannada xuduudka ah ee Jubbaland, taasoo ay ku tilmaameen qatar weyn oo ku wajahan xasiloonida gobolka Geeska Afrika.
Sidoo kale, Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa warbixin ku saabsan xaaladda gobolka ka horjeedisay Golaha, iyadoo sheegtay in tallaabooyinka DFS wado ay ujeedadeedu tahay sida hadalka loo dhigay fidinta khilaafaadka gudaha dalalka deriska ah sida Kenya iyo Itoobiya, taasi oo sababi karta “cawaaqib xumo aan dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed” guud ahaan.
Golaha Wasiirrada Jubbaland ayaa ugu dambeyn hoosta ka xariiqay in ay ka go’an tahay in ay ka hortagaan wax kasta oo keeni kara fawdo, burbur iyo xasilooni-darro, waxaana ay ugu baaqeen DFS in ay joojiso faragelinta siyaasadeed iyo militari ee gobolka Gedo, si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
DFS oo war ka soo saartay xiisaddan u muuqata in ay sii kordheyso ayaa bartilmaameedsatay shaqsiyaad uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden oo ay ku eedeysay in falal dagaal uu wado. Waxay ku goodisay inay qaadi doonto talaabo adag. Dhankiisa wuxuu horay u sheegay in gacanta Jubbaland aanu gobolku ka marnaa karin ayna nabad jiri doonto marka gacantooda Beledxaawo ku soo laabato.
HBN ONLINE TV