Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ee maamulka, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda cakiran ee ka taagan gobolka Gedo, gaar ahaan dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Beled Xaawo.
Golaha Wasiirrada ayaa si adag u cambaareeyay dagaalka ka dhacay magaalada oo ay ku sifeeyeen “duullaanka qaawan” oo dowladda Soomaaliya ka wado deegaannada Jubaland.
War kooban oo laga baahiyey xogta shirka golaha wasiiradda ayaa si gaar ah loogu eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa sida hadalka loo dhigaye uu “masuul uu ka yahay dagaalka, ayna tallaabooyinkan yihiin kuwo halis gelinaya sida hadalka loo yiri xasilloonida iyo wadajirka dalka.”
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada Jubaland ayaa ansixiyay xeer cusub oo la xiriira Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jubaland. Wax faahaafahin ah iyo meelaha uu sida toos ah u taabanayo xog lamaba bixin. Hoos dhigista xogta duulista ayaa ku soo aadeysa iyada oo dhowr jeer oo hore maamulku ku eedeeyey dowladda dhexe xayiraado ay kala kulmeen.
Jubbaland ayaa ugu baaqday horay Dowladda Federaalka in ay joojiso sida ay hadalka u dhigtay “faragelinta” siyaasadeed iyo midda ciidan ee ay ku heyso Jubaland, iyadoo xustay in wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed aysan aqbali doonin.
HBN ONLINE TV