Waxaa dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya lagu wargaliyey in uu jiro shir aan caadi ahayn oo la isugu imaanayo caawa, kaasi oo lagu booriyey in si buuxda lagaga soo wada-qaybgalo.
Kulanka la isugu yeeray xubanaha golaha wasiiradda oo la tilamaamay in uu dhici doono 8-da Habeenimo ee caawa oo Isniin ah ayaa aan la faahfaahin waxa lagaga hadli doono iyo ajendaha shirka.
Shirka ayaa loo badinayo in lagu faaqidi doono xaaladaha taagan, waxayaabaha ka soo cusboonaaday siyaasadda dalka iyo qaabka looga falcelin doono.
Isha ku haay HBN ONLINE TV