Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa meel-mariyey maanta Qaraarka maareynta isticmaalka baraha bulshada Soomaalida, kaasi oo lagu xakameynayo sida hadalka loo dhigay in aan loo isticmaalin hab khaldan.
Shirka golaha wasiiradda oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka labaad ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa sheegay in lagu ansixiyey laba heshiis oo ku saabsan amniga interner-ka iyo heshiis is-afgarad isgaarsiiin ah oo dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Malaysia.
Heshiiskan wada shaqeyn ee lala galay dowladda Malaysia ayaa dowlada Soomaaliya waxaa ku matalayey guddiyada warbaahinta ee hey’addaha isgarsiinta qaranka, kaasi oo la tilmaamay inuu wax badan ka bedeli doono hormarada dhanka Isgaarsiinta gudaha dalka.
Sidoo kale, Kulanka Golaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada Xoogga dalka ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobollada dalka.
HBN ONLINE TV