Shirka Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah ka qabsoomay magaalada Muqdisho, iyadoo looga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan dagaalka Alshabaab Amniga iyo heshiisyo lala galay dhowr dal .
Shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa meelmariyay Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda, kaas oo ku saabsan iskaashiga socdaalka iyo Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar, kuna saabsan iskaashiga arrimaha amniga iyo la-dagaallanka dambiyada.
Golaha ayaa Warbixinno ka dhageystay Wasaaradaha Amniga iyo Difaaca dalka, iyagoo ka warbixiyay dagaalka Alshabaab iyo howlgallada ka socda gobollada dalka. Xeerka iyo heshiisyada ay ansixiyeen Golaha Wasiiradda ayaa la qorsheyna in la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya, si ay u meelmariyaan.
HBN ONLINE TV

