Kulan looga hadlayey sida lagu sheegay dardargelinta amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran ayaa waxaa yeeshay golaha wasiiradda Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Inta uu kulanku socday Hey’adaha amniga ayaa ku soo bandhigay warbixinno ku saabsan horumarka laga gaaray sida la carrabaabay amniga guud ee caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, waxaanna lagu falaanqeeyay sidii hey’addaha amnigu ay si wadajir ah uga wada shaqayn lahaayeen sugidda amniga iyo kor-u qadidda wada-shaqaynta laamaha amniga iyo shacabka ku nool caasimadda.
Xamsa ayaa la sheegay in ku ammaanay hey’adaha amniga juhdiga iyo dadaalka ay geliyeen sugidda amniga, isaga oo faray hey’adaha iyo maamulka gobolka Banaadir inay kor u sii qaadaan dadaallada lagu horumarinayo nabadgelyada caasimadda, taasi oo looga hortagayo kooxda Alshabaab.
HBN ONLINE TV