Golaha Wasiiradda oo meel mariyey heshiis difaac oo dhexmaray Soomaaliya iyo Tanzania

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyey Heshiis is afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Tanzania, kaasi oo ku saabsan iskaashiga difaaca labada dal.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, sida dagaalka Al-shabaab iyo halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay xogo ku aadan canshuurta Iibka ee dalka laga dhaqan galiyay iyo sida dowladda uga go’antahay in kor loo qaado daqliga dowladda dalka.

Kulanka golaha wasiiradda ayaa ku soo aadaya xilli dhowr jeer oo hore ay dowladda Soomaaliya heshiisyo dhinaca difaaca ah la saxiixatay dowladda kale sida Masar, Turkiga iyo kuwo kale.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed