Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ansixiyay heshiis muhiim ah oo dhexmaray Soomaaliya iyo Masar, kaasi oo dhigaya in dadka wata baasaboorka diblomaasiga ee labada dal ay si xor ah ugu safri karaan gudaha labada waddan muddo 90 maalmood ah iyada oo aan laga doonayn dal-ku-galka Fiisaha.
Shirkii Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu caddeeyay in heshiiskan uu qeyb ka yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Masar.
Heshiiskan ayaa si rasmi ah loogu saxiixay magaalada Qaahira ee caasimadda Masar 23-kii Janaayo, 2025, waxaana saxiixayaasha kala ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi Axmed iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badr Abdelatty.
Munaasabadda saxiixa heshiiskan waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Masar Abdel Fattah El-Sisi.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyey howlgallada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee socda qaar ka mid ah gobollada dalka, iyada lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobollada dalka
“Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qeyb qaadanaya halganka argagixisada lagu sifeynayo, iyada oo la xusay muhiimadda ay leedahay in la dardargaliyo taageerada lagu garab istaagayo ciidamada, lana xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo bulshada,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada.
HBN ONLINE TV