Wasiiradda Jubbaland oo war culus ka soo saaartay dagaallo lagu dilay xubno Alshabaab ah

Kulanka golaha Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyey ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Labaad ee Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa maanta looga hadlay dagaallo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyey kooxda Alshabaab oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Bayaan ka soo baxay markii uu kulanku soo idlaaday ayaa lagu sheegay in Golaha bogaadiyay howlgalada guuleystay ee 48-kii saac ee la soo dhaafay ay ka fuliyeen Ciidamada Darawiishta Jubaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka oo ka dhacay deegaano kala duwan, kuwaas oo sida hadalka loo dhigay lagu jabiyay Alshabaab.

Sidoo kale, Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland ayaa Golaha la wadaagtay faahfaahinta howlgaladaas iyo dadaallada joogtada ah ee Ciidamada Jubaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku beegsanayaan kooxda, lagu dilay ku dhawaad 50 xubnood oo Alshabaab ah.

“In ka badan 48 dhagar-qabe ayay dileen ciidamadu intii ay socdeen howlgalada ka dhacay deegaanka Barjala ee Gobolka Jubbada Hoose, oo 68-km ka xiga dhinaca waqooyi degmada Afmadow, iyadoo howlgalkaas lagu qabtay labo dhagar-qabe oo nool iyo saanad hub ah” ayaa lagu yiri warka Jubbaland.

Waxaaa intaa lagu daray warka golaha wasiiradda “Maleeshiyaadka ayaa godad ka samaystay dhul howd ah oo ay ku dhuumaaleysanayeen, iyadoo xogaha sirdoonka ee ay heleen ciidamada ay sahashay in si dhow loola socdo dhaqdhaqaaqooda” ayaa lagu soo gababeeyey warka.

Danab ayaa sheegtay in Guulaha laga gaaray howlgalka Barjaale ay barbar socdaan howlgallada kale ee laga fuliyey gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 120 xubnood oo Alshabaab ah.

Saacado ka hor wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay inay wado qorsheyaal is barbar socda iyo kuwa cusub oo ay soo wado oo lagu beegsan doono koooxda, iyagoo goobo badan oo muhiim ah ka saaray.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed