Shirkii todobaadlaha ahaa ee u dambeeyay oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Saalax Jaamac, ayaa waxaa looga dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda amniga dalka oo ay soo gudbiyeen Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha. Qodobada ugu muhiimsan ee ay ka wadahadleen ayaa waxaa ka mid ahaa in Wasiirada loo soo bandhigo qabyo qoraalka heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Kenya.
Kulanka ayaa lagu muujiyay muhiimadda heshiiskan difaaca ee la soo jeediyay oo qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee Soomaaliya ay ku dooneyso in ay sare ugu qaaddo amniga iyo xasilloonida xuduudaheeda iyo guud ahaan gobolka.
Heshiiska qabyada ah ayaa la filayaa in lagu qeexo shuruudaha iskaashiga labada dal ee deriska ah ee dhinacyada kala duwan ee difaaca iyo amniga, sida wadaagga sirdoonka, howlgallada milatari ee wadajirka ah, iyo tayaynta.
Hishiiskii gaashaandhigga ee la soo jeediyay ee Kenya ayaa loo arkaa tallaabo muhim ah oo dhinacan loo qaaday, iyadoo la doonayo in la xoojiyo iskaashiga iyo isku xirka labada dal ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo caqabadaha kale ee dhanka ammaanka ah.
Wasiirada kulanka ka qeyb galay ayaa fursad loo siiyay in ay dib u eegis ku sameeyaan heshiiska qabyada ah oo ay ka dhiibtaan talooyinkooda iyo fikradahooda.
Hindise-sharciyeedka heshiiska difaaca Soomaaliya iyo Kenya ayaa la filayaa in la soo gebagebeeyo toddobaadyada soo socda, kaddib markii golaha wasiirrada ay dib u eegis ku sameeyeen oo ay ansixiyeen. Marka la ansixiyo heshiiskan waxa uu wax weyn ka tari doonaa xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dal, wuxuuna u gogol xaarayaa in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo kale oo muhiim ah oo ku saabsan amniga dalka oo ay ka mid yihiin dadaallada lagula dagaalamayo Al-Shabaab iyo hirgelinta siyaasadda cusub ee baraha bulshada oo ay soo jeedisay Wasaaradda Waxbarashada.
HBN NEWS DESK