Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha, kaasi oo la tilmaamay in uu noqon doono mid kor loogu qaadayo cilaaqaadka seddexda dowladood.
Heshiisyada ay ansixiyeen golaha xukuumadda Soomaliya ayaa la xiriira hirgalinta sida la sheegay hindisaha horumarinta Adduunka.
Sida oo kale shirka xukuuumadda ayaa lagu meel mariyey heshiis is-afgarad wada shaqayn iyo iskaashi ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar, kaasi la tilmaamay in uu yahay mid labada dowlad ahmid gaar ah u leh.
Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay Warbixino ku saabsan halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 – 2029) iyo Bulshada Bariga Afrika.
Ugu dambeyntii, shirka ayaa waxaa warbixin laga dhagaystay Wasaaradda Beeraha oo ka warbixisay wax soo saarka dalka iyo xaaladda Beeraleyda Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV

