Golaha Warbaahinta Madaxa Banaan ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareynayaa xarigga afar suxufi oo ka tirsan telefishinka FIVE Somali TV, oo ay qabteen ciidamada booliska gobolka Banaadir. Bayaanka soo baxay Golaha ayaa lagu sheegay in booliska Soomaaliya ay si sharci-darro ah iyo jirdilka xun ugu sameeyeen wariyaasha.
“Weerarkan xun wuxuu dhacay xilli ay saxafiyiintu gudanayeen waajibaadkooda shaqo iyagoo ku sugan xarunta telefishinka ee Muqdisho” ayaa lagu bayaanka.
Golaha ayaa intaasi ku daray in” aad ay uga argagaxeen warbixinnada sheegaya in ciidamada ammaanku ay shaqaalahan warbaahinta u geysteen garaacid aan sabab lahayn, hanjabaado, iyo xarig sharci-darro ah”, taasoo ah sida hadalka loo dhigay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga Soomaaliya iyo xeerarka caalamiga ah ee xornimada saxaafadda.
Suxufiyiintan golohu sheegay in sida sharci-darrada ah loo heysto ayaa kala ah: Maxamed Rooraaye, Ahmed Maxamuud Raas, Maxamed Afgooye & Engineer Dahir Dayax.
Golaha ayaa sheegay inuu xusuusinayo dhammaan hay’adaha dowliga ah in xorriyadda warbaahintu ay ku xusan tahay dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya (Qodobka 18-aad) iyo heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, iyada oo markale lagu yiri “Waxaana si dhow ula socon doonnaa kiiskan, waxaanan la kaashan doonnaa ururada caalamiga ah ee u dooda xorriyadda saxaafadda si cadaaladda loo helo”.
Sababaha lagu heysto Telefeshinka ayaa loo badinayaa baahinta xogo xasaasi iyo warqado loo soo dusiyey, taasi oo la soo dhigay bartooda Facebook, waxaana ciwaan looga dhigay “Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa Baafin geliyay Saraakiil tiradoodu gaareyso 145, sida uu shaaciyay Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed Gen. Asad Diyaano” ayaa lagu yiri.
HBN ONLINE TV