Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta si midaysan u ansixiyay qaraar ay ku sifeyeen mid “taariikhiga ah”, kadib go’aankii Israa’iil ku aqoonsatay. Qaraarkan ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay astaan u tahay “marxalad cusub” oo Somaliland u horseedaysa sida ay hadalka u dhigeen aqoonsi caalami ah, isla markaana xaqiijinaysa himilooyinka dimuqraadiyadeed ee shacabka.
War saxaafadeedka Golaha ayaa caddeeyay in aqoonsigan uu muujinayo qiimaha dimuqraadiyadda, is-ixtiraamka, iyo rajada ummadaha doonaya is-maamul iyo madax-bannaani. Waxay ku booriyeen dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah inay ixtiraamaan xaqa Somaliland u leedahay aqoonsi iyo is-maamul, isla markaana laga fogaado faragelinta arrimaha gudaha, taasi oo ay ku sheegeen mid “dhaawacaysa sharciga caalamiga ah iyo rabitaanka muwaadiniinta”.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo fadhiga guddoomiyey ayaa tilmaamay in qof ama koox kasta oo carqaladeynaysa aqoonsiga Somaliland loo aqoonsanayo wuxuu ugu yeeray “cadow qaran” oo ka soo horjeeda danaha iyo madax-bannaanida Somaliland.
Sida oo kale Golaha ayaa xusay dadaalkii iyo naf-hurnimadii hoggaamiyeyaashii Somaliland tan iyo 1991, kuwaas oo ka dhigay sida ay qabaan Somaliland dal xasilloon oo rajada iyo horumarka ka hirgalay gobolka, iyaga oo ku adkeysatay ilaalinta sharciga caalamiga ah, qawaaniinta Qaramada Midoobay, iyo mabda’a dimuqraadiyadda.
HBN ONLINE TV

