Xildhibaaan Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa maanta Baarlamaanka Jubbaland uu u doortay guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada 3-aad ee maamulkaasi uu yeelan doono.
Waxaa Gudoomiyaha cusub Cabdi Maxamed ay kursiga kuwada tartameen Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Keerow oo codad hoose ka helay marka loo barbar dhigo guddoomiyaha la doortay maanta.
Guddoomiyaha cusub ayaa helay 65 cod, halka uu xildhibaan Ismaaciil Keerow uu helay 7 cod, iyada oo ay halaabeen laba cod, waxaana baarlamaanka ka maqnaa hal xildhibaan oo xanuunsanaa, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashada Jubbaland.
Cabdi waxaa uu soo ahaa guddoomiyaha golaha wakiillada Jubbaland tan iyo sidii baarlamaanka Jubbaland loo aas aasay, waaxaana markaan u noqoneysaa markiisii seddexaad ee loo doortay, isaga oo huggaami doona shanta sano ee soo socota golaha.
HBN ONLINE TV

