Golaha Wakiilada maamulka Puntland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe ku go’aamiyay in xasaanaddii laga qaado Xildhibaan hore Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ka dib soo jeedin kaga timid xafiiska xeer ilaalinta guud ee maamulka.
Guddoonka kulanka ayaa ku shaaciyay in 38 Xildhibaan ay ogolaadeen go’aanka ka qaadista xasaanadda, halka hal xildhibaan uu ka aamusay. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo hore u ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, ayaa horay ugu dhawaaqay magaalada Laascaanood inuu iska casilay xubinimada Baarlamaanka Puntland, isagoo sheegay in uu diiradda saarayo ka shaqeynta dhismaha maamulka SSC Khaatumo, si gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn u helaan sida uu hadalka u dhigay dowlad goboleed u gaar ah.
Xeer ilaalinta Puntland ayaa ku hanjabtay inay u jari doonto warqad soo qabasho ah, ka dib markii ay sheegtay inuu ku kacay sida warka loo dhigay falal darro oo ka dhan Puntland oo uu ka wado Sanaag.
Go’aankan ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo abaabulka maamulka SSC Khaatumo iyo dadaallada siyaasadeed ee ka socda gobollada waqooyi bari Soomaaliya, iyada oo shir lagu dhisayo ay gogashiisu ka furan tahay magaalda Laasacaanood.
HBN ONLINE TV