Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, iyaga oo si qoto dheer uga dooday akhrinta koowaad ee heshiiska lagu dhisay Urur Goboleedka IGAD, kaas oo la hor keenay fadhiga Golaha.
Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu horkacayay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar Balcad, ayaa Golaha ka hor akhriyay qodobada muhiimka ah ee heshiiskan, iyadoo la xusay doorka muhiimka ah ee Soomaaliya kaga jirto ururka IGAD, gaar ahaan xilka ku xigeenka xoghayaha guud oo ay haatan dalka Soomaaliya ku fadhiso.
Intii kulanka socday, qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa su’aalo adag ka keenay faa’iidada dhabta ah ee Soomaaliya ka hesho xubinnimada IGAD, iyagoo muujiyay walaac ku aaddan in aan dalka si muuqata uga faa’iideysan ka mid ahaanshaha ururka.
Xildhibaanno kale ayaa si cad u soo jeediyay in dib loo eego doorka Soomaaliya ee IGAD ama xitaa laga fiirsado sii joogista xubinnimada haddii aan la helin dan cad oo qaranku ka helayo, halka ay bidhaamiyeen in dalal gaar ah dhaqaale kaga sameeyaan, sida Ciidamada midowga Afrika iyo kuwa Xarumahooda ay ku taallo.
Sidoo kale, waxay carrabaabeen in wax macno ah ku jirin in heshiiskan la gudbiyo iyadoo aan la helin u jeedo muuqata oo Soomaaliya ka heleyso. Tilmaamay
Wasiiru Dowlaha ayaa xusay in hirgelinta heshiiskan ay muhiim u tahay xoojinta iskaashiga gobolka, kobcinta amniga, iyo fududeynta xiriirka dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee dalalka xubnaha ka ah IGAD. Isagoo ka falcelinayey su’aalaha la soo jeediyey ayuu sheegay in hadda dalka dhaqaalaha caalamka uu ka helo loo soo marsiiyo ururka, taasine ay tahay faa’iido aan la iska indha tiri Karin.
Golaha Shacabka ayaa la filayaa in ay mar labaad uga doodaan heshiiskan si adag ka hor inta aan la meel marin, iyadoo ay socdaan la-tashiyo dheeri ah oo ku saabsan doorka iyo danaha Soomaaliya ee ku xiran ururka IGAD.
HBN ONLINE TV