Midowga Afrika oo go’aan cusub ka soo saaray hawlaha nabad ilaalinta ee Soomaaliya

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ansixiyay dhismaha howlgal cusub oo ku aaddan ciidamada  Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasoo la qorsheynayo ina la billaabo marka la soo gabagabeeyo howlgalka Midowga Afrika ee ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) December 2024-ka. Howlgalkan cusub ayaa loogu talagalay in lagu taageero dowladda federaalka Soomaaliya iyo dadaallada socda ee looga hortagayo  carqaladeynta ammaanka ee Al-Shabaab.

Midowga Afrika ayaa taageeray codsigii ay  dowladda Soomaaliya ku doonaysay in dib loo dhigo bixitaanka ciidamada ATMIS, isla markaana la billaabo hawlgal muddo kooban ah oo dawladda looga caawinayo dhammeystirka dadaallada la-wareegista amniga iyo ciribtirka argagaxisada.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa sidoo kale sheegay in ay si weyn u taageersan yihiin codsigii ay Soomaaliya soo jeedisay 16-kii iyo 17-kii May 2024-ka, si loo wajaho wajiga 3-aad ee ATMIS. Soo jeedinta Soomaaliya ka timid ayaa ahayd in la kala qeybiyo wejiga saddexaad ee hawsha dhimista ciidamada ATMIS oo ku talo galkeedu uu ahaa 2 kun oo askari dhammaadka June in ay baxaan, iyo 2 oo kun kale  dhammaadka September ee sanadkan.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka  ayaa carabka ku adkeeyay in howlgalka cusub uusan diiradda saari doonin oo kaliya howlgallada ka dhanka ah argagixisada balse uu kaalin muhiim ah ka qaadan doono xasilinta iyo dadaallada lagu dhisayo dowladnimada Soomaaliya. Hindisahaan waxaa looga golleeyahay in la abuuro jawi nabdoon oo ku habboon horumarinta siyaasadda iyo dhaqaalaha, si loo suurtageliyo nabad ka dhalata Soomaaliya.

Mudnaanta ugu muhiimsan ee howlgalka soo socda waxaa ka mid ah in taageero xooggan la siiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, xaqiijinta amniga dadka rayidka ah, iyo fududeynta dadaallada lagu dhisayo dowlad. Howlgalka ayaa qeyb ka noqon doona howlgalo ballaaran oo ka dhan ah argagixisada si loo burburiyo awooda iyo saameynta Al-Shabaab.

Si kastaba, Midawga Afrika ayaa ku ammaanay dawladda Soomaaliya waxa lagu sheegay inay ka mid yihin horumarrada laga gaaray qorshayaasha amniga, joogteynta shirarka Golaha Wada-tashiga Qaran, la-dagaalanka argagaxisada iyo weliba u-diyaar-garowga la-wareegista amniga dalka ka dib marka ay baxaan ciidamada ATMIS.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed