Golaha Mucaaradka ay ku jiraan Puntland & Jubbaland oo dowladda Federaalka uga digay muddo kororsi iyo dano cid gaar ah

Golaha la magacbaxay Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin Madasha mucaaradka ee Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntland, ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed ay ku muujiyeen mowqifkooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyaga oo si cad uga digay muddo kororsi ay sameeyaan hay’adaha dowladda federaalka ee xilalkoodu dhammaanayo.

Shirkan, oo muddo saddex maalmood ah uga socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya xubnaha, ayaa daba socday kulan hore oo guddiga farsamo ee Golaha ay halkaas ku yeesheen intii u dhaxeysay 5-tii ilaa 8-dii bishaan November, kaas oo diiradda lagu saaray sida hadalka loo dhigay qorshaha siyaasadeed iyo diyaar garowga shirweynaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Intii uu shirka socday, mas’uuliyiinta ka qeybgalay waxay si qoto dheer uga wada hadleen sida lagu sheegay war saxaafadeedka xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, siyaasadda iyo diyaar garowga doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan sanadka 2026. Guddiga farsamada ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan shaqooyinkii ay qabteen iyo qorshaha shirweynaha Golaha Mustaqbalka ee lagu wado in lagu qabto gudaha Soomaaliya.

Go’aannada ka soo baxay shirka ayey ku dhawaaqeen dhowr qodob oo ay ku sheegeen in ay yihiin mowqif mideysan oo ka turjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Bayaanka soo baxay ayaa ku baaqay ilaalinta dhaqanka dimuqraadiyadeed ee afartii sanaba mar lagu qabto doorashooyinka hay’adaha federaalka, isagoo sheegay in doorashada soo socota ay tahay in lagu dhiso heshiis qaran oo hufan, isla markaana lagu qabto waqtigeeda si looga hortago qalalaase siyaasadeed iyo firaaq dastuuri ah.

Golaha ayaa sheegay in isaga oo ka duulaya Dastuurka KMG ah ee 2012 iyo heshiisyadii saldhigga u ahaa dowladnimada Soomaaliya, ay si adag uga digayaan tallaabo kasta oo aan sharciyadda waafaqsanayn sida hadalka loo dhigay in uu qaado Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), kuwaas oo ay sheegeen in ay halis galin karaan dowladnimada iyo nidaamka federaalka ee dalka.

Sidoo kale, warka xubnaha golaha ayaa si cad u sheegay in uu si buuxda uga soo horjeedaan wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo ama lagu sameyn doono Dastuurka KMG ah si aan waafaqsanayn hannaanka dastuuriga ah ee lagu heshiiyay sanadkii 2012, waxayna si toos ah u diideen tallaabo kasta oo horseedaysa muddo kororsi ay sameystaan hay’adaha dowladda iyo natiijo kasta oo ka dhalata doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ay qabato DFS.

Golaha ayaa ugu baaqay Madaxweynaha DFS inuu ku soo laabto waxay ugu yeereen “wadada dastuurka iyo heshiisyadii qaran”, isla markaana uu qeyb ka noqdo dadaallada lagu badbaadinayo dalka si looga fogaado qalalaase siyaasadeed iyo firaaq dastuuri ah.

Ugu dambeyn xubnaha ayaa baaqooda ku adkeeyey in shacabka Soomaaliyeed ay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, ayna diyaar u noqdaan ka qeyb qaadashada badbaadinta mustaqbalka dalka, iyagoo door muhiim ah ka qaadanaya hirgelinta doorasho daahfuran, hufan oo lagu heshiiyey.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed