Golaha loo dhan yahay ee QM oo Ruushka ugu baaqay in ciidankiisa kala baxo Ukraine

Fadhi gaar ah oo Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ka yeeshay dagaalka Ukraine ayaa 141 wadan oo ka mid ah 193 dal ee Golaha ka kooban waxya u codeeyeen qaraar lagu cambaaraynayo duullaanka Ruushka, isla markaana Moscow loogu baaqay in ciidankeeda kala baxdo Ukraine ayna xushmeyso xeerarka Qaramada Midoobay iyo madaxbanaannida dhuleed ee Ukriane.

Codeynta waxaa ka horyimid toddobo oo kala ah Ruushka, Kuuriyada Waqooy, Syria, Mali, Eritrea, Nicaragua & Belarus.

Soddon & laba wadan oo ay ka mid yihiin Shiinaha, Hindiya, Ethiopia, Pakistan iyo Iiraan ayaa ka aamusay codeynta oo ahayd mid isha si gaar ah loogu hayay.
ImageCodeynta intii aanay bilaaban waxaa jiray dood iyo hadalo adag oo fadhiga la isku waydaarsaday, waxaana muuqata in Ruushka la isku dayay in lagaliyo go’doon siyaasadeed wallow uu helay saaxiib dhiigga u huray oo diiday in meesha lagu cidleeyo.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed