Ibrahim Jaber Ibrahim, oo ah xubin ka tirsan Golaha Ku-meelgaarka ee maamula Suudaan ahna kuxigeenka taliyaha guud ee ciidamada Sudan, ayaa sheegay in saacaddii guusha buuxda ee ka dhanka ah Ciidamada Gurmadkaa Degdegga ah ay soo dhowdahay, waxaana ciidamada Suudaan ay xaqiijiyeen in yoolalkoodu uu yahay gaarista xarunta ciidanka ee bartamaha magaalada Khartuum.
Hadalkan Ibrahim Jaber Ibrahim wuxuu jeediyay mar uu la hadlayay saraakiisha iyo askarta cutubka madaafiicda, magaalada Catbara ee gobolka Wabiga Niil ee waqooyiga.
Dhanka kale, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidanku dib ula wareegeen xaafadda Ezba ee bariga magaalada Khartuum waaberigii saaka, kaddib dagaallo ay la galeen Ciidamada Gurmadka Degdegga ah. Xogtu waxay tilmaantay in xaafadda Ezba ay ahayd saldhig adag oo ay haysteen ciidanka RSF.
Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan”nadiifinta” Khartuum ayna horey ugu socon doonaan degmada Bariga Wabiga Niil & buundada Boqor Nimr oo isku xirta magaalooyinka Khartuum Waqooyi iyo Khartuum.
Ciidanka Sudan ayaa sidoo kale ku qoray bartooda Facebook in ciidamadoodu ay guulo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Ciidamada Gurmakda Degdegga ah, isla markaana ay soo gaarsiiyeen khasaaro culus, iyagoo daba jooga kuwa ka firxanaya, sida ay hadalka u dhigeen.
HBN ONLINE TV