Golaha Ammanka oo markale qalinka ku duugay tallaabooyinka cunaqabaynta hubka iyo dhoofinta dhuxusha ee Alshabaab

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dib u cusbooneysiiyay xayiraadihii uu hore u saaray kooxda Al-Shabaab. Dhammaan xubnaha Golaha Ammaanka ayaa aqlabiyad buuxda ku ansixiyay qaraar tirsigiisu yahay 2,776, kaas oo kordhiyay muddada xayiraadaha kala duwan ee saaran Al-Shabaab.

Go’aan loo dhan yahay, oo ka soo baxay 15-ka xubnood ee Goluhu ayaa lagu kordhiyay dhaqangelinta cunaqabaynta hubka ee saaraan Alshabaab, si loo cuuryaamiyo howlgallada Al-Shabaab oo ay ku jiraan weerarrada argagixisada iyo ganacsiga suuqyada madow ay khatar toos ah ku yihiin amniga gobolka iyo kan caalamiga ah.

Qaraarkan ayaa siinaya Dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay awood ay ku qabtaan oo ay ku baaraan maraakiibta looga shakisan yahay inay hub ama dhuxul sharci darro ah ku safrinayaan biyaha Soomaaliya iyo guud ahaan aagga badda oo dhan, oo ay ku jiraan Badda Carabta iyo Gacanka Faaris.

Iyadoo dowladda Soomaaliya aysan hadda saarneyn cunaqabateynta hubka ee ka dhalatay go’aankii Golaha Ammaanka ee 2023-kii ee ahaa in xayiraadaha laga qaado ciidamadeeda ammaanka, ayaa waxaa weli sii soconeysa cunaqabateynta hubka ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Cunaqabateyntaan ayaa socon doonta illaa 13-ka December sanadka 2025-ka, iyadoo sidoo kale dib u cusboonaysiin lagu sameeyay guddi khubarro ah oo kor kala socon doona cunaqabateynta al-Shabaab ilaa 13-ka Janaayo ee 2026-ka.

Mamnuucidda Qaramada Midoobay ee 2012 ee dhoofinta dhuxusha Soomaaliya ayaa looga golleeyahay in la gooyo ilaha dhaqaale ee aasaasiga ah ee Al-Shabaab.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed