Golaha Ammaanka oo maanta kulan gaar ah kaga shiraya Howlgalka kala guurka ah ee Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan gaar ah ka leh Howlgalka cusub ee Soomaaliya AUSSOM kaas oo baddelaya kan ATMIS oo waqti ahaan ku siman 31-ka Bishaan December, waxaana kulanka ka soo muuuqan doona Wakiillo kala duwan.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa shirka dhexgeynaya ajendaha Dowladda Federaalka ee la xiriira wax ka baddelka Howlgalka Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, guulaha laga gaaray, wareejinta goobihii ay isaga baxeen iyo kuwo kale.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fadhiga la tageysa in Ciidanka badan ee ATMIS ku jira la soo koobo, isla markaana laga dhigo kuwa guurguura oo la howlgalla Ciidamada Soomaalida ah ee guud ahaan Amniga Dalka la wareegaya.

Waxaa dhici doonna kulamo gaar gaar ah oo Mas’uuliyiinta DFS la yeelan doonnaan Dalalka Ciidamada soo diray, kuwa taageera iyo xubnaha kale ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Waxaa howlgalkan si rasmi ah loo xaqiijiyey inay ku soo biiri doonaan Ciidamo Masar ay ku yaboohday, kuwaa oo bedelaya sida horay Dowladda Soomaaliya u sheegtay ciidamada Itoobiya, inkasta oo laga yaabo in wax laga bedelo qorshihii hore ee go’aanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed