Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta shir ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, taasi oo lagu soo bandhigay xiisadaha sii cakirmaya ee ka tagaan gobolka geeska Afrika, waxaana ka qaybgalay Wakiilka Ku meelgaarka ah ee Xoghayaha Guud James Swan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Fiqi iyo mas’uuliyiin kale.
Wakiilka Kumeelgaarka ah ee Xoghayaha Guud, James Swan ayaa isaga oo ka hadlaya shirka qudbadiisa ku xusay walaaciisa ku aaddan sii socoshada xiisadaha gobolka ka dib is afgaradkii lagu dhawaaqay bishii koowaad ee sanadkan ee u dhexeeyey Itoobiya iyo Somaliland.
James ayaa sheegay in madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo midnimada Soomaaliya ay tahay mid muhiim ah, isaga oo ku boorriyey Itoobiya iyo Soomaaliya in ay helaan xal diblomaasiyadeed oo lagu xalliyo arrintan gudaha, iyada oo qaab dhismeedka sharciga caalamiga ah loo marayo.
Kulanka New York ee golaha ayaa sida oo kale Ergeyga kaga warbixiyay shirka horumarrada dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin siyaasadda, amniga, gobolka, bini’aadantinimada iyo arrimaha kala guurka.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli uu dhamaanayo Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) dhamaadka bisha Oktoobar, iyada oo Soomaaliya ay ku adkeysatay in Itoobiya laga saaro, halka ayna ay walaac arintaasi ka muujisay.
HBN ONLINE TV